{DAAWO SAWIRADA} Taliyaha Ciidamada Dowlada Oo Lagu Soo Dhaweyay Kismaayo

0
429

Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya, Jen. Maxamed Aadan Axmed ayaa maanta soo gaaray Kismaayo, iyadoo garoonka diyaaradaha Kismaayo ay si diirran ugu soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Jubaland, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulka Jubaland.

Madaxweyne kuxigeeka Jubaland Mudane C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ugu horeyn warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin wafdiga uu hogaaminayo taliyaha ee soo gaaray Kismaayo, isagoo xusay inay soo dhaweynayaan isaga iyo xubnaha kale ee safarkiisa ku wehlinaya.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Somalia, Jen. Maxamed Aadan Axmed ayaa ugu horreyn ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, wuxuuna xusay inay u yimaadeen degmada Kismaayo arrimo la xiriira isku dhafka ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Taliyaha ayaa intii uu ku sugnaa xerada ay ku jiraan ciidanka Xoogga Dalka qaybtooda Jubbaland wuxuu warbixinno ku saabsan xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada ka dhageystay saraakiisha ciidankaasi.

Taliyaha.1JPG Taliyaha.2JPG Taliyaha.3JPG Taliyaha.4JPG Taliyaha.5JPG Taliyaha.6JPG