{DAAWO SAWIRADA} Waa sidee Xaalka Magalda Bosaaso Kadib dilkii taliyihii ilaalada garoonka boosaaso

0
490

Sida aan wararkeenii hore ku sheegnay waxaa maanta toogasho lagu dilay Taliyihii Ciidamada amaanka Puntland u qaabilsanaa Garoonka diyaadaha Magaalada Boosaso Col. Xasan Shire Amaan.

Taliyaha ayaa waxaa dilay Askari la sheegay in maalmo un ka hor laga ruqseeyay Shaqada ciidanimo isaga oo dilka kadib halkaasi ka baxsady.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Gen Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf Afguduud oo dhacdada kadib booqday goobta ay dhacdada ka dhacday ayaa sheegay in Ciidamadu ay qabteen Todobo kamid ah Ciidamadii ugu dhawaa Taliyaha.

Taliyaha ayaa sheegay in baaritaana lagu wado Todobada askari sababt ay u qaban waayeen Askariga dilka Gaystay iyagoo qaban karay.

Dilka kadib ayaa waxaa halkaasi gaaray Taliyaha oo la kulmay ehelada iyo Qaraabada Marxuun Xasan Shire Amaan iyagoo isku raacay in aas qaran loo samaynayo taliyaha ayna ka qayb galayaan aaskiisa saraakiisha ciidamada iyo madaxda dowladda ee ku sugan Boosaaso.