{DAAWO SAWIRADA} Wafdi Uu hogaamino Wasiirka Amniga Oo Soo Gaaray Magalada Baledweyne

0
497

Wafdiga soo gaaray magaalada baladweyn  oo hogaaminayay wasiirka amniga soomaaliya markii ay kasoo dagen garoonka diyaaradaha ugaas khaliif ee B.weyne waxa soo dhaweyay maamulka gobalka kan degmada odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidamada AMISOM.

 

Soo dhaweyn kadib Xumnaha Wafdiga oo ka koobnaa Wasiirka Amniga qaranka Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Wasiirka Batroolka Wasiiru dowlaha madaxtooyada wasiiru dowlaha wasaarada maaliyada madaxweynaha maamulka Galmud iyo xildhibaana katirsan baarlamanaaka soomaaliya waxa loo soo galbiyay xarunta ciidamada AMISOM ee ku taalada duledka Magaalada B.weyne.

 

Isbarasha iyo soo dhaweynka kadib Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf axmed hagar ayaa wafdiga kaga warbixiyay waa waan iyo dadaala ay odayaasha dhaqanka Ciidamada AMISOM iyo ugaas C.raxmaan ugalen sidi loo joojiyay dagaala b.weyne maalintii sadaxaad ku dhexmaraya laba maleeshiye beeled.

 

Madaxweynaha maamulka Galmudug C.karin xuseen guuled oo ku hadlay afka wafdiga soo gaaray b.weyne ayaa shegay ujedka ay ku soo gaaren b.weyne ay tahay xalinta dagaalka ka dhacaya magaalada ayna joogi donaan inta laga xalinaya dagaalka isagoona amaanaya cid kasta ee dadaal ugashay xalinta dagaalkani.

 

Intaasi kadib wafdiga ka socday dowlada ayaa xarunta AMISOM waxa ay kulan albaabadu u xiran yihiin kula qaaten saraakiisha ciidamada AMISOM iyo odayaasha dhaqanka waxana ay kaga wada hadlen sida loo joojin kara dagaalka ka socda magaalada b.weyne

Booqashada Wasiirada B.weyne (20) Booqashada Wasiirada B.weyne (19) Booqashada Wasiirada B.weyne (18) Booqashada Wasiirada B.weyne (17) Booqashada Wasiirada B.weyne (16) Booqashada Wasiirada B.weyne (15) Booqashada Wasiirada B.weyne (14) Booqashada Wasiirada B.weyne (13) Booqashada Wasiirada B.weyne (12) Booqashada Wasiirada B.weyne (11) Booqashada Wasiirada B.weyne (10) Booqashada Wasiirada B.weyne (9) Booqashada Wasiirada B.weyne (8) Booqashada Wasiirada B.weyne (7) Booqashada Wasiirada B.weyne (6) Booqashada Wasiirada B.weyne (5) Booqashada Wasiirada B.weyne (4) Booqashada Wasiirada B.weyne (3) Booqashada Wasiirada B.weyne (2) Booqashada Wasiirada B.weyne (1)wafdiga baladweyne

Cabdi Wali xuseen Tawakal 

Radio Hiranweyn Baladweyne