{DAAWO SAWIRADA} WAR DEG DEG: Ah Maamulada Puntland iyo Galmudug oo heshiis nabadeed ku gaaray Gaalkacyo

0
283

Magaalada gaalkacyo gaar ahaan Garoonka diyaaradaha ee C/llaahi Yusuf waxaa goor dhaw hishiis nabadeed ku kala saxixiday madaxweynayaasha Dowlad Gobolodeeyada Puntlan iyo Galmudug,

Hishiiskaan oo uu garwaden ka ahaa R/wasaaraha xukuumadda federalka Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo ka kooban wasiiro, xildhibaano iyo waxgarad kale. ayaa ka kooban afar qdob oo kala ah.

1-In xabadda la joojiyo

2- in ciidamda la kala qaado

3-dadkii barakacay in dib loogu soo celiyo magaalada

4-iyo in guddi labada dhinac iyo dowlada federaalka ah la sameeyo

Hishiiska ayaa noqon doona insha Allaah mid nabad waarta oo ka dhaliya  Magaalada gaalkacyo, labada dhinac waxa ay balan qaadeen in ay fulin doonaan  hishiiska ay wada saxiixdeen, Waxaa goob joog ka ahaa  R/wasaaraha xukuumada iyo wafdigiisa, madaxweynayasha Jubaland iyo koofur Galbeed iyo wafdi ka socda beesha caalamaka.

HESHIIS 3 HESHIIS HESHIIS 1 HESHIIS 2