{DAAWO SAWIRADA} Wararkii Ugu Dambeyay Caawa Iyo Xaalada Magaalada Baledweyne

1
424

Xaalad daganasho ayaa laga dareemaya Xaafadda Howlwdaag ee Magaalada Baladweyne kadib markii Subaxnimadii Saaka ilaa galinkii dambe ee maanta uu dagal Culus ku dhaxmarayay Ciidamo maleeshiyada ah islamarkana sababay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhawac,

Inkasto mararka qarkood la maqlayo Xabado Goos Goos ah oo ay is weydarsanayan dhinacyadii maanta ku dagaalamay Xaafadda Howlwadaag ayaa haddan Caawa Xaaladda ay tahay  mid degan iyado Ugaas cabdiraxmaan Ugaas khaalif iyo odayasha dhaqanka Gobolka Hiiaran ay ku dadaalayan sidii loo soo afjari laha Xiisadan ka soo dhax Cusboonatay labo beelood oo wada dega Galbeedka Magaalada Baladweyne,

Ciidamada Maleeshiyada labada dhinac ayaa wali isku horfadhiya Goobihii maanta lagu dagalamay iyado mar kaste la filn karo iska horimaad dhaxmar dhinacyadan isku haya Xaafadda Howlwadaag ee Magaalada Baladwyene,

Dagalka maanta ka dhacay Xaafadda Howlwadaag ayaa marka laga soo tago ka khasaaraha soo kala garay dhinacyada dagalamaya waxaa jira dad shacab ah oo ay wax yeelo ka soo gaartay Rasaasta ay is weydarsanayan labada Maleeshiyo beeleed,

Dhaq dhaqaaqa ganacsiga iyo isku socdka gadiidka iyo dadka ayaa hakad ku yimid Xaafadda Howlwadaag iyado dadka Rayid ah ay bilabeen in ay iskaga barkacan Guryahood iyago ka cabsi qaba in ay wax yeelo ka soo gaarto Xabadaha ay is weydarsanayan dhinacyada isku haya Xaafadda Howladaag ee Magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan,

 

xaalka baladweyne (2)xaalka baladweyne (2)

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

xaalka baladweyne (3)

DCIM100MEDIA

Comments are closed.