{DAAWO SAWIRADA} Wasaarada Batroolka Oo Dib Loo Furay Kadib Markii La Ogaaday…..

0
313

Munaasabada xarigga looga jawarayay dhismaha cusub ee wasaaradda batroolka iyo macdanta Soomaaliya oo ku taalla bartamaha magaalada Muqdisho, iyadoo wasaaraddu kula soo wareegtay xog-ururin oo la xiriirta baarista shidaal oo ay horay u sameysay shirkada Soma Oil iyo Gas.

Xaruntan cusub ee wasaarada batoolka ayaa ku dhow barlamankii hore ee Somalia. Iyadoo labadii sannadood ee lasoo dhaafay ay wasaaraddu ku shaqeynaysay dhismaha wasaaradda waxbarashada Somalia.

Sidoo kale, markii ugu horreysay muddo 25-sano laga joogo, wasaaraddu waxay awoodi doontaa inay hesho xarun iyada u gooni ah; waxaana dhismahaan uu ka koobnaan doona: qaybta sheybaarrada, keydinta macluumadka iyo xafiisyada shaqaalaha wasaaradda iyo hawl-wadeennada ay ku shaqeyn doonaan.

Munaasabada ayaa waxay shirkada Soma Oil & Gas kuwoo wareejisay dowladda Somalia kusoo wareejisay xog-macluumaad shidaal oo ay ka ururisay qaybo ka mid ah badda fog ee Soomaaliya. Xogta lasoo wareejiyay waxay ka dhalatay xog-ururintii la sameeyay sanadkii 2014-kii, taas oo ku saleysan heshiiska u dhaxeeya dowladda Somalia iyo Shirkadda Soma Oil & Gas.

Wasiirka batroolka iyo macdanta xukuumadda Somalia, Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo hadal ka jeediyay munaasabadd ayaa yiri. “Daah-furitaanka dhismaha Wasaaradda oo ah mid cusub waa aqbaar fiican, gaar ahaan waxay kusoo beegmaysaa xilli ay dowladdu ku howlan tahay dib u dhiska hay’adaha Qaranka.” Wuxuuna intaas ku daray.

Qolka Keydka Xogta Waxaa la dhigi doonaa:

  1. Xogta oo wali sideeda ah oo aan la fasirin (Raw data);
    2. Xogta oo laga baraandagey (Processed data);
    3. Xogta la turjumay (Interpreted data);
    4. Xogta la keenay, midda laga baraandageey iyo midda la turjumay;
    5. Xogihii hore ee Soma Oil & Gas kasoo heshay meelo kale si jolojiyada dalka loo fahmo;

Helidda xog-dhameestiran waa qayb ka mid ah qorshaha guud ee lagu hour-marinaayo baarista shidaalka Somalia. howlaha kale ee ay wasaaradu waddo waxaa ka mid ah; sidii Somalia ay u yeelan lahayd aragti mideysan oo ku aadan ka faa’iidaysiga arimaha shidaalka, diyaarinta sharuucda iyo heshiiska wadaaga wax-soo-saarka, sameynta shirkada shidaalka Soomaaliya iyo hay’adda nidaaminta shidaalka dalka.

Batrolka.1jpg Batrolka.2jpg Batrolka.3jpg Batrolka.4jpg Batrolka