{DAAWO SAWIRADA} Wasaaradda Haweenka oo soo xirtay Tababar loo qabtay shaqaalaha wasaaraddaasi

0
308

Tababarkaan  loo soo xiray Shaqaalaha Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Dowladda Soomaaliya ayaa ku saabsanaa Badbaadinta Carruurta iyo ka Hortagga Xadgudubyada ku salaysan Jinsiga kaas oo socday muddo labo maalin ah.

Shaqaalaha Wasaaradda Haweenka ee qaatay Tababarka  ayaa sheegay in si isku mid ah ay ugu shaqayn doonaan waxyaabihii tababarkaan ay ku barteen.

Agaasimaha Horumarinta Arrimaha qoyska  iyo Carruurta ee wasaaradd haweenka Faadumo Maxamed Cali ayaa u mahadcelisay dhamman shaqaalaha wasaaradda Haweenka iyo horumarinta Xuquuqul iyo Howlwadeennadii kale ee tababarka bixiyay

Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Horumaruinta Xuquuqul Insaanka Ahna Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Bile Ismaaciil oo soo xiray Tababarka ayaa la dar-daarmay howlwadeennada labaray badbaadinta Carruurta iyo ka hortagga xadgudubyada ku Salaysan jinsiga

Wasaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay Wadday dadaallo shaqaalaha iyo bulshada lagu barayo bad-baadinta Hooyada iyo Dhallaanka iyo cidkasta oo dhibaato gaaraysa.

sawiw sawir 1 SAWIR 2 SAWIR 3 SAWIR 5 SAWIR 6 SAWIR 8