{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Amniga Oo B.weyne Kaga Qeyb Galay Xuska Maalinta Ciidamada Booliska

0
358

Labaatanka December 1943’dii manta oo kale waxa ay aheyd maalintii la aas aasay ciidanka booliska soomaaliyeed waxana manta munaasabad loogu dabaal dagayay sanad guuradii 72 ee kasoo wareegtay aas aaska booliska  lagu qabtay xarunta saldhiga dhexe ee degmada beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan.

Munasabadan lagu xusayay aas aaska booliska soomaaliyeed  ayaa waxaa kasoo qeyb galay xubno ka socday maamulka gobolka hiiraan kan degmada beledweyne saraakiisha ciidamada amisom iyo kuwa xooga dalka soomaaliyeed  iyo wafdi uu hogaaminayay wasiirka amniga xukuumada soomaaliya oo malmahan beledweyne u joogay holo nabadeeyn ah,

Waxaa ugu horeyn munaasabada ka hadlay taliyaha qeybbta booliska gobolka hiiraan col isaaq ali cabdulle oo ka shekeyay wax qabatka ciidanka booliska gobolka iyo daruufaha adag  ee ay ku shaqeeyaan booliska gobolka hiiraan waxana uu ka codsaday awsiirka amniga in wax laga qabto dhibaatoyinka mushaarka ee haysta ciidamada booliska gobolka hiiraan,

Waxaa sidookale goobta ka hadlay taliayaha ciidanka xooga dalka soomaaliyeed col tawane axmed hurre waxana u hambalyeeyay ciidamada booliska soomaaliyeed gaar ahaan kuwa gobolka hiiraan waxana uu tilmaamay in ciidamada booliska ay si weyn ula shaqeyn Kusimaha gudoomiyaha gobolka hiiraan maxamed ibraahim ayaa isna u hambalyo u diray ciidamada booliska soomaaliyeed gaar ahaana kuwa gobolka,

Ugu danbeyn wasiirka amniga gudaha xukuumada soomaaliya mudane c/risaaq cumar maxamed oo munaasabada soo xiray ayaa u hambalyeeyay ciidanka booliska qaranka soomaaliya ee ka howl galo gobolka hiiraan isagoona tilmaamay in baahiyaha ciidanka ay og yihiin waxna ay ka qaban doonaan sida uu sheegay,

”Waxa ka rabaa taliyaha qeybta booliska Gobolka inuu isoo gudbio dhibaatada haysata ciidanka booliska si aan wax kaga qabano waa ogahay waxa jira dad aan helin xuquuqdoda laakin maanta kadib ma dhaceyso ciidamadana waxa kula dardaarmaya in ay saaxib la noqdaan shacabka maxaa yelay askariga booliska waxa looga baahan ayahy inuu la saaxibo hooyada suuqa jooga ardaga scholka dhiganaya odaga masaajidka usocda’ Sidaasi waxa yiri wasiirka Amniga soomaaliya C.risaaq cumar maxamed,

Intii munaasabada ay socotay ayaa ciidamada waxa ay soo bandhigeen gaada ka cayaar iyo dhoola tus ay ku muujinayeen wax qabadkooda iyo sida ay ugu diyaar sanyihiin  gudashada howshooda qaran iyo waajibaadka saran.

Maalinta Booliska (12) Maalinta Booliska (16)Maalinta Booliska (15) Maalinta Booliska (17) Maalinta Booliska (3) Maalinta Booliska (10) Maalinta Booliska (21) Maalinta Booliska (14) Maalinta Booliska (11) Maalinta Booliska (18) Maalinta Booliska (19) Maalinta Booliska (20) Maalinta Booliska (1) Maalinta Booliska (2) Maalinta Booliska (4) Maalinta Booliska (5) Maalinta Booliska (6) Maalinta Booliska (7) Maalinta Booliska (8)

Sawir qaade:-Aadan Cabdi Axmed

Radio Hiranweyn Magaalada Baledweyne.