{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Amniga Somaliya Oo Manta Booqaday Gobahii Lagu Dagalamay Ee Baladweyne

0
354

Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa wali ku sugan wafdi isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya ,kuwaa oo halkaa u tagay in xabad joojin kala dhax dhigaan labada maleeshiyo ee dagaalamay.

Wafdigan Dowlada uu horkacayo Wasiirka Amniga gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa shalay tagay goobihii ay ku dagalameen labada maleeshiyo beeleed ee xaafadaha howl-Wadaag Galbeedka Magaalada Baladweyne.

Masuuliyiintan ayaa ku guuleestay in ay xabada joojiyaan ayna ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay kala dhax dhigaan labadii maleeshiyo beeleed ee maalmo kahor ku dagaalamay Xaafada Howl-Wadaag.

Dowlada Soomaaliya ayaa markan ku dadaaleysa in xal laga gaaro dagaalka soo noq noqday ee u dhaxeeya Beelaha Gaaljecel iyo Jajeele oo marar badan ka dhacay Galbeedka Magaalada Baladweyne oo labada beel ay wada degaan.







 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

wasiir cabdi risaaq

SAWIR QAADE

Xasan Farax