{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Amniga Soomaaliya Oo Waxgaradka Gobolka Hiiraan Ka la Hadlay Colaada Baladweyne

0
351

Wasiirka Amniga Xukuumadda Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed oo Hogaaminayay  wafdi ka socda dowladda federaalka Somalia iyo maamul-gobolleedka Galmudug oo shalay soo gaaray magaalada Beledweyne, ayaa maanta kulan la yeeshay waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan si wax loga qabto colaada ku so noqnoqotay baladweyne .

Cabdi Risaaq Cumar Maxamed Wasiirka Aminia yaa ku guuleystay maanta inay kala qaadaan maleeshiyadii isku hor-fadhiyay xaafadda Howl-wadaag oo ay ka dhaceen dagaalladii ugu cuslaa, iyaga oo dhinaca kalana ku qanciyay waxgaradka labada beellood in ay aqbalaan xabad joojinta.

Kulanka maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa siweyn loogu lafa-guray dariiqa iyo habka ugu sahlan ee loo guda-gali karo wajiga labaad ee xalinta khilaafka beelahan oo soo laabta in la isku keeno odayaasha labada dhinac.

Wasiirka Amniga ayaa guddi u saaray arintan kuwaa oo ka soo shaqeyn doonna sidii loo sii abaqaadi lahaa kulamada socda iyo siddii loo dhameyn lahaa colaada soo noq -noqotay ee ka dhax taagan labada beelood.

Gabagabadii , xaalada guud ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa maanta ah mid deggen, waxaana soo maray dhamaan aagaggii saddexdii cisho ee la soo dhaafay lagu dagaallamay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

Cabdi Risaaq Cumar Maxamed kulan dhaxmaray wasiirka aminiga iyo wax garadka hiran (1) kulan dhaxmaray wasiirka aminiga iyo wax garadka hiran (2) kulan dhaxmaray wasiirka aminiga iyo wax garadka hiran (3) kulan dhaxmaray wasiirka aminiga iyo wax garadka hiran (4)