Waxaa Manta Dagan Xaalada magalada Baladweyne ee xarutna gobolka Hiraan Kadib Dagaalo dhorkii maalin ee la so dhafay ka socday xafada howlwadaag ee magaalada baladweyne
Daganaasha ayaa yimid markii Xubno u hogaaminaa wasiirka aminga Qaranka soomaaliya ay bilaabeen waan wan u dhaxeyso labada dhinac ee u dagaalka dhaxmar waxana Labada Dhinac ay kala hadleen joojinta dagaalka iyo so celinta nabada waxana ay si weyn u so dhaweyeen hadalka Wafdiga dowlada Ka socdo
Manta ilaa Xalay Majirin Wax dhawaaaqa rasaasta oo ka dhacayay xafada howlwadaag ee magalada baladweyne waxana si tartiib tartiib ah ku so labanaayo dhaq dhaqaaqii shacabka iyo ganacsigii ku xirmay dagaalka
Xubnaha ka socdo dowlada soomaaliya ayaa wali ku howlan dhameynta dagaalkii ka dhacay baladweyne waxana ay wadaan qorshe la isku so hor fadhiisinaayo Labada dhinac ee u dagaalka dhaxmaray
inkastoo ay dagantahay xalada guud ee xafada howlwadaag ee magalada baladweyne hadane waxaa wali ku sugan goobahii lagu dagalamay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada soomaaliya lamana oga sida uu xaalka ku danbeyn doono
SAWIR QAADE
Wariye Xuseen Xasan Dhaqane