{DAAWO SAWIRADA} Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka K/Galbed Oo La Dhaariyay

0
487

Madaxtooyada Magaalada Baydhabo waxaa maanta lagu dhaariyay 89 Xildhibaan oo ka mid noqonaya Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed.

Xaflad lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Baydhabo oo ay ku sugnaayeen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, xubno ka socda Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliya iyo masuuliyiin kale ayaa lagu dhaariyay Xildhibaanadaasi.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa madasha Xaflada ka sheegay in Xildhibaanada cusub laga rabo inay Bulshadooda si wanaagsan ugu shaqeeyaan.

Waxa kale uu sheegay Odayaasha Dhaqanka Maamulka Koonfur Galbeed in laga doonaayo inay soo dhameystiraan Xildhibaanada kale ee haray.

Odayaasha Dhaqanka ee ku mashquulsanaa soo xulista Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa goobta ka sheegay inay waqti badan geliyeen sidii Xildhibaanadan ay u soo xuli lahaayeen, kuwa harayna ay soo dhameystirayaan.

Xildhibaanada cusub ee lagu dhaariyaya Madaxtooyada Baydhabo ayaa dhankooda balan qaaday Bulshada inay si wanaagsan ugu shaqeynayaan.

xildhibaanada baydhabo.1jpg xildhibaanada baydhabo.2jpg xildhibaanada baydhabo