{DAAWO SAWIRADA} Xuska Dhalashada Nabigena Muxamed NNKH Oo Lagu Qabtay B.weyne

0
967

Munaasabad ballaaran oo lagu xusayay dhalashada Nebi Muxamed NNKH ayaa manta lagu qabtay magaalada B.weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxana maanaasabada soo qaban qaabiyay Culima’udiinka ku dhaqan b.weyne.

Munaasabada oo aheyd tii ugu ballaarneyd oo lagu qabta degmada baledweyne ayaa waxa ka soo qeyb galay Culima-udiin qeybaha kala duwan ee buladhada ku nool magaalada B.weyne kuwaa oo socod dheer ku soo mareen wadada halbowlaha u ah magaalada, iyaga oo markii danbe isugu soo ururay Xaruntii hore ee daraawiishta.

Dadkii ka soo qeyb gallay munaasabada ayaa siweyn ula dhacay sida loosoo agaasamay  xuska dhalashada Nabigeenna Muxamed NNKH, waxaana xuska lagu soo bandhigay qasiidooyin Nabbi amaan ah oo ay ka qeyb-galleen haween iyo dhallinyaro aad u da’yar.

Culimadii ka qeyb-gashay munaasabada ayaa ka shekeyay taariikhdii Nabbigeena Max’ed NNKH iyo sidda looga baahan yahay guud ahaanba umadda muslimka ah meel kasta oo ay joogaan nooleynta xuska nabiga.

Sh. C/raxmaan Max’ed Cali oo kamid ahaa culimadii ka soo qeyb gashay munaasabada ayaa shegay in 12’ka bisha mowliid ay tahay maalin ku weyn dhamaan umadda muslimka ah meel kasta oo ay joogaan, waa maalintii uu dhashay Nabbigeen Max’ed NNKH,

Maanta oo kale gobolada Dalka  waxaa ka soconaya munaasabadaha lagu weyneynayo dhalashada Nabigena Muxamed NNKH oo sanad kasta marka la gaaro 12’ka Moowliid la qabta taa oo siweyn looga qeyb qaata.

Xuska Nabiga (22) Xuska Nabiga (21) Xuska Nabiga (20) Xuska Nabiga (18) Xuska Nabiga (23) Xuska Nabiga (19) Xuska Nabiga (17) Xuska Nabiga (16) Xuska Nabiga (26) Xuska Nabiga (25) Xuska Nabiga (24) Xuska Nabiga (13) Xuska Nabiga (10) Xuska Nabiga (27) Xuska Nabiga (4) Xuska Nabiga (3) Xuska Nabiga (2) Xuska Nabiga (1) Xuska Nabiga (5) Xuska Nabiga (12) Xuska Nabiga (11) Xuska Nabiga (15) Xuska Nabiga (14) Xuska Nabiga (6) Xuska Nabiga (8) Xuska Nabiga (9) Xuska Nabiga (7) Xuska Nabiga (29) Xuska Nabiga (28)

Sawir Qaade:-Cabdi Wali Xuseen Tawakal

Radio Hiranweyn Magalada Baledweyne