{DAAWO SAWIRADA}Tababar ku Saabsan Tayeynta Hal Abuurka Farshaxanka Qalinka Oo Muqdisho Ka Furmay

0
488
SONY DSC

Waxaa Magaalada Muqdisho ka furmay kulan ku saabsan Tababarka Farshaxanka Qalinka oo si gaar ah loo barayo Ardayda Dugsiyada Sare,waxana ka soo qeybgalay Xildhibano, Gudoomiyaha Akadeemiyada AGA, Gudoomiyaha  naadiga Hal- abuurka Qalinmaalka soomaaliyeed (Somali Pen) Rug cadayaal Saxaafadeed, Ardayda ka socotay Dugsiyada Sare ee Muqdisho iyo Marti sharaf kale oo si gaar ah loo casuumay.

Tababarkan ayaa ugu horeyn waxa furay Gudoomiyaha Koonfurta iyo Bartamaha Somliya ee Somali Pen C/naasir Yuusuf Macalin Ganey, isagoo xusay in tababarkan uu yahay mid lagu xoojinayo hal abuurka ku qoran afka Hooyo.

Maxamed Daahir Afrax Gudoomiyaha Akadimiyeed Goboleedka Afka Somaliga ee (AGA)  oo tabarka ka bixiyey Cashiro Muhiim u ah dhowrista Ereyada Afka Somaliga ayaa u mahad celiyay ka qeyb galayaasha tababarkan, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in la kobciyo hal abuurka dhalinyarada

Cabdi Xaaji Goobdoon oo ah Rugcadaa Saxaafadeed kana mid ah Makhaawiirta Akaadeemiyeed Goboleedka Afsomaliga ee AGA oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in muhiim ay tahay soo nooleynta afka Soomaaliga.

Maryan Cariif Khaasim oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somaliya ahna Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka Baarlamaanka Somaliya oo ka hadashay tababarkaan ayaa si kooban ugu hadashay Qiimaha uu leeyahay wax qorista iyo Hal abuurka.

Tababarkan oo ay ka soo qeyb galeen arday ka kala socotay Dusiyada sare ayaa soo bandhigay aqoon isweydaarsi,waxa ayna ka faa’iideeysteen Erayo badan oo muhiim u ah xoojinta hal abuurkooda.

 

SONY DSC

?????????????

?????????????

SONY DSC

SONY DSC