{DAAWO SAWIRADA}Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo goor dhow gaaray Jowhar

0
349
????????????????????????????????????

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Wasiirka ayaa diyaarad helicopter ah ka soo dejisay  garoonka diyaaradaha Jowhar, waxaana ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen, kuxigeenada maamulka, Guddoomiyaha degmada Jowhar, saraakiil iyo mas’uuliyiin kale.

Ammaanka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo la dhigay wadada isku xirta Jowhar illaa garoonka diyaaradaha oo dhinaca galbeed ku yaala.

Wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa waxaa ka mid ahaa, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka, Wasiirka dhalinyarada, Wasiiru dowlaha Maaliyadda, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ka soo jeeda Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Munaasabad lagu soo dhoweynayo Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa iminka ka socota Guriga Gobolka, halkaasoo lagu wado inay kula hadlaan, odayaasha, waxgaradka, haweenka iyo mas’uuliyiinta maamulka.

Wafdiga ayaa lagu wadaa inay booqdaan halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu wadaa in si rasmi ah lagu dhawaaqay waqtiga uu furmayo shirka maamul u sameynta labada gobol.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka socday diyaar garow ku aadan marti gelinta shirka, iyadoo hotelada iyo guryaha la sheegay inay sii kireystaan wafuuda imaaneysa iyo xubnaha musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wixii warar ee ku saabsan booqashada wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha kala soco wararkeena dambe

 

wasirada (1)wasirada (2)wasirada (4)wasirada (6)wasirada (7)wasirada (8)wasirada (9)wasirada (10)wasirada (11)