{DAAWO SAWIRRADA} Magaalo kutaala SOMALIA oo aysan jirin xiligan hal qof oo Shacab ah oo kunool + Sababta?

0
386

Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa xiligan noqotay magaalada ugu ayaanka daran Dalka Soomaaliya, magaaladan oo ah mid qadiimi ah marxalado kala duwana soo martay ayaa xiligan jirin hal qof oo shacab ah oo kunool.

Ceelbuur xiligan waxaa kunool oo kaliya Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo sanad kahor magaaladaasi qabsaday, waxaana gabi ahaan Magaalada isaga qaxauy shacabkii halkaasi kunoolaa sanado badan.

Dadlii ku dhaqnaa Magaalada Ceelbuur ayaa noqday kuwa u qaxay oo xaalad nolol xumo ku heesato deegaano hoostaga Degmadaasi, halka qaar kalana ay isaga soo tageen halkaasi ayna nolol cusub ka bilaabeen Magaalada Muqdisho.

Magaalada Ceelbuur ayaan jirin wax maamul ah oo hada ka dhax shaqeeya maadaama aysan jirin qof shacab ah oo kunool Degmadasai, waxaana gabi ahaan haawana qaarkoodna bur bureen goobihii caafimaadka, Goobihii waxbarashada, Goobihii cibaadada iyo Suuqyadii kuyaalay Magaaladaasi.

Dad badan ayaa isweediinaya Magaalada Ceelbuur in aysan laheyn dad ka damqada oo kanaxa, waxaana la isweediinaya halka ay ku dambeeyaan Xildhibaanada iyo Masuuliyda kale ee ku abtirsada Magaaladaasi, waxaa sidoo kale la isweeedinayaa inaysan jirin maalqabeeno ama ganacsato Magaaladasai kasoo jeeda.

Isku soo duuboo Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud oo mar loo ololeenayay in ay kaligeed noqto Gobol katirsan Dalka Soomaaliya ayaa xiligan noqotay magaalada ugu ayaanka daran Soomaaliya, maadama aysan jirin hal qof oo shacab ah oo magaaladaasi kunool.

celbur_1celbur_2celbur_4celbur_5celbur_6celbur_7celbur_8celbur_9celbur_10celbur_11celbur_12celbur_13celbur_14celbur_15celbur_16celbur_17celbur_18celbur_19celbur_21celbur_22celbur_23