{DAAWO SAWIRADDA} Dabaal Dega Sanadka Cusub Oo Laga Joojiyay Guud Ahaan Dalka Belgiumka

0
316

download (1)

Wararka ka imaanaya magaalada Brussels ee dalka Belgiumka ayaa sheegaya in damaashaadka sanadka cusub la joojiyay ka dib baqdin laga muujiyay in weeraro argagaxiso ay dhacaan.

Ra’iisal wasaaraha dalka Belgiam-ka, Charles Michel ayaa sheegay in go’aanka loo qaaday ka dib xogo ay heleen oo ku aadan weeraro argagaxiso ka dhici karaan goobaha dadka damaashaadaya sanadka cusub isugu soo baxaan.

Horaantii usbuucaan,Booliska dalkaasi ayaa xiray Labo Tuhmane oo qorsheynayay sida la sheegay weeraro dhaca Xilliga Ciida Kirismiska.

Dowlada Belgium-ka,ayaa feejignaan dheeri ah ku jirtay tan iyo markii ay dhaceen weeraradii argagixiso ee lagu qaaday Paris 13 November,waxaana la aaminsanaa in dhowr qof weerarkaasi ku lug lahayd fariisin ku lahaayeen magaalada Brussels.

Duqa magaalada Brussels Yvan Mayeur,iyo Wasiirka arimaha gudaha ayaa warbaahinta u sheegay in go’aan kan  uu yahay mid si wada jir ah loo gaaray,islamarkaana wax dabaal degyo ah sanadka cusub ka dhici Karin Belgiumka.

download (2)

Wuxuu hadalkiisa intaasi ku daray Duqa Brussels in arintaan ay u sameeyeen inaan suurta gal ahayn in Qof waliba ay Baaraan sidaasi daraateedna ay joojiyaan damaashaadka.

Bishii la soo dhaafay,magaalada Brussels ayaa mudo afar maalin ah waxaa Albaabada la isugu dhuftay goobaha Waxbarashada Sida jaamacadaha,Schoolada iyo metro system,iyadoo laga cabsi qabay in weeraro la mid ah kuwii Paris ay dhacaan.