Dabley Hubeysan Oo 27 Ruux U Dhashay Dalka Qadar Ku Afduubtay Xuduuda Ciraaq

0
393

Illaa 27 ruux u dhashay dalka Qadar oo ahaa ugaarsato ayaa lagu afduubtay xadka Ciraaq iyo Sacuudiga u dhaxeeyay, sida ay xaqiijisay dowladda Qatar.

Dabley hubeysan oo watay gawaarida yar yar oo illaa kontan gaarayay ayaa 27 ruux ku afduubtay meel lama dagaan ah oo ay ka wadaan ugaarsi, gaar ahaan goob xero ah maanta oo Arbaco ah.

Dadka la afduubtay ayaa waxaa ku jira qoyska xukunka dalka Qadar haya, sida ay xaqiijinayaan wakaaladaha wararka.

Goobta lagua afduubtay ayaa u dhow halka lagu magacaabo Layyah oo 190km u jirtay Caasimada Gobolka Samawa.

Dadkan la afduubtay ayaa la sheegay inay fasax ugaarsi ka heysteen Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ciraaq.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar ayaa sheegtay inay dowladda Ciraaq kala shaqeyneyso sidii loo sii deyn lahaa muwaadiniinta u dhashay Qadar sida ugu dhaqsiyaha badan.