Dadkii Gaalkacyo Ka Barakacay Oo Labo U Qaybsamay Iyo Masuuliyiintii Oo Muqdisho Ku Sugan.

0
396

Boqolaal dad ah oo ay ku jiraan Caruur waxbaranaysay iyo Dad da’ah oo aan xamili karin goobaha ay u barakaceen ayaa ka baxay labada dhinac ee Magaalada Gaalkacyo ee Waqooyiga iyo kaanfurta kuwaas oo qaarkood ku suganyihiin miyi halka kuwona ay u qaxeen tuulooyinka iyo degmooyinka ku teedsan magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo dadkii ka bakaracay waxaa ubadkoodii hakad ka galay waxbarashadii kala duwanayd ee ay wateen sida barashada diinta Islaamka iyo Iskoolaadka maadiga ah waxaana maanta ay joogaan guryahooda, iyagoo aan wali fursad wanaagsan u haysan inay waxbarshadooda dib ugu noqdaan.

Maalin walba magaalada Gaalkacyo waxaa goobaha lagu qaxweeyo siwayn looga hadal hayaa ciidamo la sheego in Puntland iyo Galmudug ay wali magaalada kusoo wadaan kuwaas oo aan la garanayn ujeedkooda maadaama xabad joojintii iyo ciidan kala qaadistii dhaqan gashay.

Dhinacyo kala duwan oo waalidiin ah oo warbahinta lahadlay  ayaa sheegay in miyiga ay ku maqanyihiin ayna wali soo noqon karin ilaa wada hadal rasmi ah laga yeesho arimihii dagaalka Gaalkacyo dhaliyay.

Ra’iisulwasaaraha dawladda Federaalka ag ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’ake ayaa sheegay in Puntland iyo Galmudug gudiyadoodii wada xaajiidka rasmigaa ee arimaha la isku hayo kawada hadli lahaa la magacaabo kadib shirka Muqdisho ka dhacaya.

kawada hadlida iyo xal ka gaarista qodobadii la isku qabtay ayaa soo dadjinkarta soo noqoshada boqolaal qof oo wali Gaalkacyo uga maqan barakac ay naftooda kala baxsadeen dagaaladii Gaalkacyo ka dhacay.