Dagaalkii Ka Dhacay B/weyne Oo Lagu Guul Darestay In La Joojiyo Iyo Dagaalka Oo Wali Socda

0
355

Dagaalkii  aroornimadii hore ee saakaya ka qarxay xaafada howladaag ee magaalada b.weyne oo saameyn ku yeshay ganacsiga iyo isku socdka guud ee xaafada H.wadaag  ayaa lagu guul darestay in la joojiya sii socodka dagaalkaasi.

Dobabka dhaqanka odayaasha wax garadka Gobalka Hiiraan iyo Saraakiisha ciidamada Amisom ee ku dhaqan Magaalada b.weyne oo isku dayay iney kala dhexgalaan maleeshiya beeledkii ku dagaalamay xaafada  H.wadaag ee Degmada B/weyne ayaa ku guul darestay.

Halka ay ku dagaalamayaan ciidamada maleeshiya baleedka  ayaa waxa gaaray odayaasha dhaqanka gobalka hiiraan iyo ciidamada AMISOM waxana ay isku dayayen iney la hadlaan labada maleeshiye beleed si loo joojiya dagaalka balse taasi maysan dhicin oo waxa kasoo horjestay mid kamid ah maleeshiyaadkii u dhaxeysay dirirta.

Waxii warar ah ee ku saabsan Dagaalkii ka Dhacay B/weyne Kala Soco Wararken Dambe inshaa allaah.