Dalka Burkina Faso Oo Looga Dabaal-dagaya Doorashada Madaxweynaha Cusub Ee Dalkaasi

0
312

Burkina Faso ayaa horay u qaadday tallaabo lagu xoojinayo dimuqraadiyadda, kaddib markii Taladaadii loo doortay madaxweynaha cusub ee waddankaas, Roch Marc Christian Kabore, kaas oo noqonaya madaxweyinihii labaad ee dalkaas oo lasoo doorto tan iyo markii uu xorriyaddiisa ka qaatay gumeystihii Faransiiska 1960-kii.

Kumannaan shacab ah oo taageerayay doorashada Chiristian Kabore ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee dalkaas, iyagoo u dalbaal-dagaya doorashada Kabore oo helay 53% codadkii la dhiibtay. Iyadoo bannaan-baxayaashu ay ku urureen markii dambe xarunta xisbiga horumarka oo uu madaxweynaha la doortay ka tirsan yahay.

Doorashada Kabore oo ahaa ra’iisul wasaarihii hore ee Burkina Faso ayaa lagu tilmaamay mid muhiimad gaar ah u leh dalkaas oo 30-kii sannadood ku jiray xukun ciidan.

Mr. Kabore ayaa wuxuu bedelayaa xukuumaddii KMG ahaa, taasoo bishii September ee sannadkan lagu sameeyay afgambi dhicisoobay, kaasoo ay ku dhinteen dad shacab ah oo dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan afmbiga ka dhigay xarunta dalkaas ee Ouagadougou.

Rabshado ka dhacay dalka Burkina Faso oo looga soo horjeeda xukuunno ciidan oo talada si khasab ah kula wareegay sannadkii 2014-kii iyo bishii September ee sannadkan 2015-ka; ayaa waxaa ku dhintay 44-qof, iyadoo dhaawacyo ay kasoo gaareen tiro intaa ka badan.

Madaxweynaha la doortay ee Burkina Faso, Kabore oo 58-jir ah ayaa waxaa bishii Janaayo ee sannadkii 2014-kii loo magacaabay ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka xilligii uu xukunka hayay madaxweynihii hore ee dalkaas Compaore, balse isaga iyo xubno kale ayaa ka horyimid Compaore oo awoodda Burkina Faso ku qabsaday afgambi millateri oo uu dhiig ku daatay sannadkii 1987-kii.

Dalka Burkina Faso oo tirada shacabkiisu ay tahay 17-milyan oo qof ayaa waxaa 60% la sheegay inay yihiin dhallinyaro; iyadoo isbedelkan si aad u weyn looga soo dhaweeyay guud ahaan dalkaas.