DEG DEG: Dagaal goor dhow dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo

0
327

Dagaal ayaa goor dhow dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo, kaasoo u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Puntland iyo Galmudug, maalin kadib markii heshiis nabadeed madaxda labada maamul saxiixeen.

Sida ay sheegayaan wararka rasaas culus ayaa laga maqlayay daqiiqado ka hor goobaha ay isku hor fadhiyeen ciidamadii horay u dagaalamay, lamina oga sababta ay ku bilaabatay.

Dad kala duwan oo aan goor dhow la xiriirnay oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa inoo xaqiijiyay in dagaalka uu bilowday, rasaas culusna ay dhaceyso, lamana oga cida bilowday rasaasta.

Iska hor imaadkan ayaa yimid, xilii maanta lagu waday in la kala qaado ciidamadii is hor fadhiyay, iyadoo Guddi arrintan ku howlanaa ay qorsheynayeen in maanta ay booqdaan meelaha ay isku hor fadhiyeen ciidamada.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug C/wali Gaas iyo C/kariin Xuseen Guuleed ayaa shalay balan qaaday inay dhaqan gelinayaan heshiiska nabadeed, isla markaana aanay mar kale Gaalkacyo u baahneyn dagaal.

Wixii warar ee ku soo kordha dagaalka dib uga qarxay Gaalkacyo kala soco wararkeena dambe