Deg Deg:- Madaxweynaha Puntland oo Koofurta Gaalkacyo gaaray

0
347

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi Balaaran oo uu hogaaminayo ayaa gaaray Dhanka Koofureed ee Magaalada Gaalkacyo,waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay Dhanka Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxmed Cali Gaas  iyo Madaxweynaha Galmudug  C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ku kulmay Hoteelka Five Star ee Koofurta Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale Labada Madaxweyne ayaa Socdaal ku mari doona Koofurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo islamarkaana Ujeedka Socdaalkoodu uu yahay sidii Nabad waarta loo gaari lahaa oo Dadkii Magaalada ka barakacay dib loogu soo celin lahaa.

Sidoo kale waxaa Kulanka qeyb ka ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo halkaa  Gaalkacyo u jooga Xalka Dagaalka.

Sidoo kale isla maanta ayaa la filayaa  in la kala qaado Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ee Magaalada Isku hor fadhiya.