Deg Deg’ Qarax Ka Dhacay Muqdisho Oo Lagula Egtay Gabar Wariye ah

0
381

Waxaa goordhaw qarax gaari lagu soo xiray uu ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Isgooska KM-4 ee Magaalada Muqdisho, qaraxa ayaana sida aan Wararka ku helnay uu ka dhacay gaari ay la socotay Gabar Wariye ah.

Goobjooge ku sugnaa halka uu qaraxu ka dhacay ayaa noo sheegay in lala eegtay qaraxa gaari ay kusocotay GabarWariye ah oo katirsan Telefishinka Qaranka Soomaaliya oo lagu magacaabo Hindiyo Xaaji Maxamed.

Dhaawac culus ayaa soo gaaray sida aan Wararka ku heleyno gabadhan Wariyaha ah ee lagu qarxiyay gaarigii ay la socotay, waxa ayna xiliga qaraxa lala eeganayay Hindiya ay kasoo baxday Jaamacada SIU ee wax ka baraneysay.