{DHAGEYSO} Dagaalka Baladweyne Oo Sii Xogeystay Iyo Ugaas C/raxmaan Oo Ku Baqay In La joojiyo

0
413

Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaalif iyo waxgaradka Gobolka Hiiraan ayaa maanta ku baaqay in la joojiyo Dagalka Culus oo u dhexeya labo beellood oo wada dega Qeyb Kamid ah Xafada Howlwadag Magaalada Baladweyne.

Dagalka oo Subaxnimadii hore ee Saaka ka bilowday Xaafadda Howlwadaag ayaa ila hadda mararka qarkood la maqlaya Rasaas Goos Goos ah oo ay is weydarsanayn dhinacyada dagalamay,

Khilaafkan soo kala dhax galay labada beelood ee wada dega Xafada Howlwadaag  Magalaada Baladweyne ayaa salka ku haya dil, dhowr maalin ka hor Xaafadda Howlwadaag loogu geystay Saddex Qof, mid ka mid ah beellaha dagaalamaya ku eedeeyeen in ay dileen maleeshiyo ka soo jeeda beesha kale.

Dagalkan maanta ka socda Xaafadda Howlwadaag ee Magaalada Baladweyne, ee Xaruunta Gobolka Hiiraan ayaa sameeyn ku yeeshay isku socda gadiidka iyo dadka iyado gaabi ahaanba Goobaha ganacsiga   ee ku yaalla Xaafadda Howladaag ayaa maanta xiran islamarkana dadka shacab ah ee ku Nool Xaafadda ay bilaabeen in ay iskaga barakacan Guryahood iyago ka cabsi qaba in ay wax yeelo ka soo gaarto Rasaasta ay si weydarsanayan dhinacyada dagalamay.

Ila iyo hadda inta la ogyahay waxaa ku geeriyootay dagalka maanta ka dhacay Xaafadda Howlwadaag Sideed Ruux halka 25 kalan ay ku dhawacmeen kuwaaso la dhigay isbitaalka Guud ee Magalaada Baladweyen.Marka laga soo tago khaasaraha soo kala gaaray dhinacyada dagalamay ayaa waxaa jira khaasare kala duwan oo soo gaaray dad shacab ah oo ku sugna Xaafado ka baxsan halka lagu dagalamay kuwaaso ay haleeshay Rasaasta la isweydarsanayo.

 

Ugaas Cabdi Raxmaan (26)