{DHAGEYSO} R/Wasaaraha Oo Shegay In La Wajoga Waqtigii Laga Faaideysan Laha Qeyraadka Dalka

0
408

Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali sharmarke ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney ka faa’ideystaan Kheyraadka dihan ee ku jira Badda iyo Bariga dalkeena,isagoo xusay inaanay jirin xilligan fursad kale oo la isaga dhegatirayo Qeyraadka dalka uu leeyahay.

Wuxuu sheegay Cumar C/rashiid ineysan is qaadan Karin sida aan nahay iyo kheyraadka xad dhaafka ah ee dalka uu leeyahay,wuxuuna wax aan sii socon Karin uu ku tilmaamay in laga sii aamusnaado ka faa’ideysasho la’aanta kheyraadka dihan ee dalka Soomaaliya.

R/wasaare Cumar C/rashiid ayaa hoosta ka xariiqay inuu aaminsan yahay hadii la dar dar geliyo soo saarista shidaalka dalka shanta sano ee soo socota aduunkana loo bandhigo ay wax badan ka tareys xaalada nolol xumo ee dalka ka jirta,isagoo umada Soomaaliya ku booriyay iney fahmaan sida looga faa’ideysto kheyraadka Ilaahey ku maneystay.

Maamul Goboleedyada dalka ka jira ayuu Ra’iisal wasaaraha ujeediyay iney sameystaan sharci haga oo suurta galin kara sida ugu haboon ee looga wada faa’ideysan karo kheyraadka kala duwan ee dalka,wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in arintaan loo diyaargarowbo.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa hadalkaan ka jeediyay shir looga hadlayo dhaqaalaha oo shalay magaalada Muqdisho uu ka furay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.waxaana shirkaasi diirada lagu saaraya dhaqaalaha dalka iyo sida looga faa’ideysan karo.

22-kii sano ee u danbeysay oo dalka uu ku jiray dagaalo sokeeyo ayaan jirin sharci iyo jiheyn rasmi ah oo ku saabsan dhaqaalaha dalka iyo Kheyraadka ku jira.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:-