{DHAGEYSO} R/Wasaare Ku Xigenka Dalka Oo Ka Hadlay Sababta Dhaqaalaha Loosin Laayahay Dowlada

0
275

Ra’iisal wasaare kuxigeenka Xukuumada Soomaaliya Max’ed Cumar Carte oo shir looga hadlayo xoojinta Yabooha ama Deeqaha la siiyo Dowladaha u baahan taageerada beesha Caalamka oo ay Soomaaliya ku jirto uga qeyb galayo magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa sharaxaad ka bixiyay sababaha gacanta Dowlada Federaalka loogu aamini la’yahay deeqaha beesha caalamka ka timaada.

Wuxuu ku sheegay Mudane Carte iney jiraan sababo dhowr ah oo ay ugu horeyso bur burka xoogan ee dalka soo maray iyo waliba inuusan dalka jirin maamul maaliyadeyd oo hagaagdsan horseedi karana in lagu aamino yabooha ama deeqaha la siiyo Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare kuxigeen Max’ed Cumar Carte oo sii hadlayay ayaa hoosta ka xariiqay iney jiraan talaabooyin ay qaaday Dowlada oo ku aadan sidii lagu hagaajin lahaa Hay’adaha qaar, gaar ahaan kuwa maaliyada si ay u suurta gasho in deeqaha ka timaada beesha caalamka si toos ah ugu dhacdo gacanta Dowlada.

Bur burka dalka iyo dagaaladii sokeeye ayaa sababay iney meesha ka baxaan kaabayaashii dhaqaale ee dalka uu lahaa iyo waliba in la aamini waayo Dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray wixii ka danbeeyay Dowladii dhexe ee dalka Soomoomaaliya uu Hogaaminayay Generaal Max’ed Siyaad Bare.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhaqaalaha ugu badan ka hesho Beesha caalamka,waxaana hada loo marsiiyaa gacan kale si loogu fuliyo mashaariicaha kala duwan ee dalka u baahan yahay.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:-