{DHAGEYSO} Ugaas C.raxmaan Oo Ka Tacsiyeyay Geridii Waber Axmed Waber Cabdi

0
459

Inaa lilaahi wa ina ileehi raajicun:

Ugaas C.raxmaan ugaas khaliif ugaas rooble oo ay wehliyaan odayaasha dhaqanka Gobolka hiiraan ayaa ka tacsideyay geridii ku timid alla ha u naxariiste Webar axmed waber cabdi oo maanta ku geriyoday magaalada muqdisho.

Odayaasha iyo ugaas C.raxmaan ugaas khaliif oo la hadlay warbaahinta ayaa tacsi udiray dhamaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geriyoday waber axmed waber cabdi oo ka mid ahaa dobabka dhaqanka soomaaliyed.

‘’ Waxa marka hore tacsi udireya umada soomaaliyed gaar ahaan shacabka reer hiiraan waxa ugu tacsiyadeyna geeridii ku timid alla ha unaxariiste webar axmed webar cabdi oo kamid ahaa dobabka dhaqanka isagana janadii fardowsa alla haka waraabiyo inaga Samir iyo iimaan alla naga siiyo’ Sidaasi waxa yiri Ugaas Cabdi Raxmaan Ugaas Khaliif.

Sidoo kale Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa tacsi udiray eheladii qaraabadii iyo asxaabtii uu ka geriyoday marxuum webar axmed waber cabdi waxa ayna alla ugu baryen inuu Samir iyo iimaan ka siiyo dadka uu ka baxay webarka geeriyoday.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:-