Dowlada Burundi Oo Ku Hanjabtay iney Cagta Marin Doonto Mucaaradka ka Soo Hor-jeeda

0
399

Dowlada Burundi ayaa shaacisay inay cagta marinayso xoogagga mucaaradka ah ee kasoo horjeeda, kaddib markii ay sheegeen inay cududooda ciidan mideeyeen si ay xukunka uga tuuraan madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza, kaddib bilooyin dalkaas ay ka socdeen rabshado dhiig badan uu ku daatay.

Madaxa Warbaahinta madaxtooyada dalka Burundi, Willy Nyamitwe ayaa maanta AFP u sheegay in xilliga howlgalkan uu dhacayo uusan ahayn mid fog, isgaoo xusay in ciidamada Burundi ay dhawaan howlgallo billaabi doonaan.

Xisbiyada mucaaradka dalka Burundi ayaa bishii Abriil ee sannadkan waxay si toos ah uga horyimaadeen go’aankii madaxweynaha waddankaas uu ku sheegay inuu markii saddexaad xilka u tartamayo, isagoo mar kale dib loo doortay bishii July ee bartamihii sannadkaan.

Sidoo kale, dhawaanahan waxaa soo baxayay digniino sheegaya in dalka Burundi uu dib ugu laabto mar kale dagaallo sokeeye, iyadoo Midowga Afrika oo ka jawaabayay arrintan uu sheegay toddobaadkii hore inay 5,000 oo askari oo nabad-ilaalin ah u dirayaan dalkaas si ay u ilaaliyaan rayidka. Balse baarlamaanka iyo dowladda Burundi ayaa arrintaas kasoo horjeestay.

Boqolaal ruux ayaa ku dhintay rabshadihii Burundi ka dhacayay bilooyinkii u dambeeyay, kaddib iska-horimaadyo kala duwan oo caasimadda Bujumbura ku dhexmaray ciidamada iyo xoogag ay taageerayaan shacabka dalkaas.

Iska-horimaadyadii ka dhacayay Bujumbura ayaa waxay isugu jireen weerarro gaadmo ah oo ciidamada ammaanka lala eegtay, dagaallo waddooyinka caasimadda ka dhacayay iyo gantaallo qaarkood ku dhacay xayn-daabka madaxtooyada dalkaas; kuwaasoo u muuqaal eg weerarradii dalkaas ka dhici jirtay intii uu ku jiray dagaalladii sokeeye ee lasoo af-jaray sannadkii 2005-tii.

Laakiin, Xukuumadda ayaa sheegtay inay ku kalsoon tahay in kooxaha mucaaradka ah ay cagta ku marin muddo kooban; iyadoo dowladdu ay xustay in weerarradii dhawaan lagu qaaday saldhigyada ciidamada dalkaas ay yihiin kuwii ugu xumaa ee dhaca muddooyin bilo ah.

Dhismaha dhaqdhaqaaqa mucaaradka ah ee waddanka Burundi ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo waddamada gobolku ay ku cadaadinayaan xukuumadda Burundi inay aqbasho ciidammo nabad-ilaalin ah oo ka socda Midowga Afirka, waxaana la filayaa in arrintan ay noqonayso ajandaha ugu weyn ee kulanka looga hadlayo xiisadaha ka taagan Burundi oo 28-ka bishan ka dhici doona dalka Uganda.