Dowlada Kenya oo dib u fureysa Jaamacada Gaarisa oo Shabaab ay ku dileen 147 Arday

0
317

Dowlada Kenya ayaa sheegtay iney labo todobaad kadib dib u fureyso Jaamacada magaalada Gaarisa oo xerantay waxii ka dambeeyay weerarkii Alshabaab ku qaadeen bishii April ee sanadkii lasoo dhaafay.

 

 

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay sabtidii shalay iney dhawaan doonayaan dib u furida jaamacada, oo ay ku dhinteen inka badan 140 ruux oo arday jaamacada dhigta u badnaa.

 

“Dowlada waxay dhaqaalo gelineysaa dhameystirka mashruuca socda ee Jaamacada oo aay ku jiraan hergelinta goobaha amaanka jaamacada laga sugayo booliskana dagayaan, waxaa deegaanka la doonayaa in laga dhigo mid nabadeed,si ardayda waxbarashada dib ugu bilowdo”ayuu yiri Ruto.

 

 

Isaga oo booqasho ku tagay magaalada Gaarisa ayuu sheegay madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya in jaamacada Gaarisa kamid tahay goobaha horumarinta waxbarashada dalka Kenya, ayna ka shaqeyn doonaan sidii dhaqsi dib loogu furi lahaa.

 

“Waa waajib in dib loo furo jaamacada si ardayda awood ugu yeeshaan iney waxbarashadooda sii wataan, si ay u gaaraan ahdaafta ay nolosha ka leeyihiin”ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Ruto.

 

2-dii April ee sanadkii lasoo dhaafay ururka Alshabaab ayaa la wareegay jaamacada muddo kooban waxayna ku dileen 148 ruux oo 142 kamid ah ay ahaayeen arday jaamacada dhiganeysay wuxuuna ka dhigay weerarkii ugu dhimashada badnaa oo Alshabaab ka geystaan gudaha dalka Kenya.

kenya