Dowlada Soomaaliya oo Diiday In uu Burburay Heshiiskii Ay Galeen Puntland iyo Galmudug

0
290

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in uusan burburin Heshiiskii ay gaareen Madaxweyneyaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug.

C/raxmaan Odawaa ayaa Xusay in Dagaalka dhacay uu ahaa Cilad Farsamo islamarkaana laga baaqsan doono inuu Dagaal kale ka dhaco.

Wasiirka ayaa Xusay in Madaxweyneyaasha Labada Maamul ee kala ah Puntland iyo Galmudug ay u balan qaadeen Wasiirka Koowaad ee Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake in ay joojinayaan Dagaalka islamarkaana ay Amar siiyeen Saraakiisha Dagaalka ku howlan Ciidanka Dagaalamayna Deg Deg loo kala qaadi doono.

Dagaalka ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku dhintay Dad aad u badan,waxaana ku dhaawacmay Dad kale oo Fara badan,iyadoo QM ay sheegtay in 40 Kun oo Ruux ay Magaalada ka Barakaceen,kuwaas oo ku sugan Duleedyada Magaalada gaalkacyo.