Dowlada Uganda oo Soomaaliya u soo diraysa Ciidamo dhinaca Cirka ah

0
417

Uganda ayaa xaqiijisay qorshayaasha ku aadan in ciidamo dhinaca cirka ah ay usoo dirayso Soomaaliya horaanta sanadka soo socda si ay u dar dargaliso dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al-shabab.

Saraakiil Militeriga Uganda ayaa sheegay in qorshahaan lagala shaqeen doono xukuumada dalka iyo midowga Afrika oo mas’uuliyad ay ka saaran tahay howlgalka AMISOM oo dhul balaaran loogala wareegay Al-shabab.

Sido kale Uganda ayaa carabowday in qorshaha dhinaca cirka ay ku jiri doonto diyaaradaha shixnadaha qaada,kuwa khumaatiga u kaca iyo kuwa deg dega si ay u taageraan ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya kuwaasi oo ka kala socda wadamada Burundi,Jabuti,Kenya iyo Ethiopia.

Uganda waxaa ka jooda Soomaaliya tirada ugu badan ee ciidamada Afrikaan ah ee la dagaalamaya xarakada Al-shabab