Faah Faahin Dheeraad ah Oo Kaso Baxeyso Qarax Ka Dhacay Muqdisho

0
419

Qarax nuuca Miinada dhulka lagu aaso ah ayaa lala eegtay gaari uu leeyahay Sargaal katirsan Ciidamada Nabad Galyada Wadooyinka ee Taraafiko, qaraxa ayaana ka dhacay laamiga Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa shegaya in qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay gaari uu leeyahay Taliyaha Howlgalada Taraafikada Muqdisho Maxamed Cabdi Cumar (Baakay), qaraxa ayaana xiliga uu dhacayay gaariga Sargaalka waxa uu yaalay halka lagu qarxiyay.

Inta la xaqiijiyay qaraxaasi miino waxaa ku dhintay hal qof oo shacab ah oo marayay halka uu qaraxu ka dhacay, waxaa sidoo kale qaraxaasi uu dhaawacyo kale duwan gaarsiiyay labo qof kale oo shacab ah.

Taliyaha Qaraxa la doonayay in lagu Qaarjiyo Baakay oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in qaraxaasi lagu doonayay in lagu dilo balse uu ilaah ka bad baadiyay, waxa uuna intaa raaciyay in qof Shacab ah ku dhintay qaraxaasi labo qof kalana ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa miino oo ahaa mid xoogan ayaa saakay ka dhacay goob ay inta badan Ciidamada Taraafikada istaagaan =, mana jiro ilaa hada cid sheegatay masuuliyada qaraxasai saakay lala eegtay sargaalka katirsanaa Ciidamada Taraafikada.

Laamaha amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale wali ka hadlin qaraxa saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana Ciidamo katirsan Dowlada oo tagay halka qaraxu ka dhacay ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano aan la shaacin natiijada kasoo baxday.