Faah Faahin Dheraad ah Oo ka Soo Baxeyso Dagaal Ka Dhacay Degaanka Ceelbaraf Ee Gobolka Hiiraan

0
563

Dagaala u dhaxeya ciidamada dowlada soomaaliya iyo al.shabaab ayaa ka dhacay degaana hoosyimaada degmada jalalaqsi ee gobolka hiiraan sida ay shegayan wararka ka imaanaya degmada jalalaqsi.

Dagaalkaan oo saacado badan qaatay ayaa wuxuu yimid kadib markii ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay ku baxeen Shabaab la sheegay inay soo galeen xalay tulooyin ku dhaw deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo saaka ku baxay degaanka Ceelbaraf iyo degaana kale ayaa wadada waxaa u galay ciidamo ka tirsan Shabaabka, waxaana halkaasi ku dhexmaray dagaal saacado badan qaatay,

Dagaalka oo gestay qasaara isugu jira dhimasha iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay waxana jira labo Askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda Somaliya oo lagu dilay dagaalkaasi iyadoona uu jira Khasaaro dhimasha iyo dhaawac ah oo gaaray Al.shabaab Shabaab.

Maamulka Degmada Jalalalqsi Saraakiisha ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom weli kama aysan hadlin dagaalkaan saacadaha badan qaatay ee maanta Shabaabka iyo ciidamada Huwanta ku dhexmaray meel ku dhaw deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Hiiraan.