Faah Faahin Dheraad ah Oo Ka Soo Baxeyso Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
286

Qarax xoogan oo ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada muqdisho ayaa wax aka soo baxayay  warar kala duwan wararka qaar ayaa shegaya in  qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu sababay dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn, hase ahaatee goob joogayaal ayaa sheegaya inay arkeen dhaawacyada lix ruux oo goobta laga qaaday qaraxa kadib.

Goob joogayaal ka agdhawa halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegaya in qaraxa uu waxyeelo u geystay goobo ganacsi oo ka ag dhow wadada Maka Al-mukarama, waxaana khasaaraha ugu badan ka soo gaaray dad wadada marayay oo gaari saarnaa.

Qaraxa ka hor ayaa wadada Maka Al-Mukarama ayaa waxaa laga maqlay rasaas culus, kaasoo dabley hubeysan oo gaari saarnaa ku fureen gaari kale, waxaana mar dambe la ogaaday gaariga la rasaaseeyay uu saarnaa Guddoomiyihii Gobolka Galgaduud Xuseen Wehliye Cirfo, kaasoo ka bad baaday, waxaana ku dhaawacmay darawalkiisa.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gaari rasaaseeyay gaariga uu la socday Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud uu goobta ka baxsaday, ka hor inta aanu qaraxa dhicin.

Ciidamo isugu jira boolis iyo Nabadsugid ayaa goobta qaraxa uu ka dhacay soo gaaray, waxaana ay ka wadaan baaritaan, iyadoo wadada ay xiran tahay.

Wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada muqdisho ayaa ah wado mashquul badan oo ay gaadiidka isticmaalaan, waxaana ku yaala hotelo iyo xarumo ganacsi oo dadka ka dukaameystaan.