Faah Faahin Dheraad Ah Oo Kasoo Baxeyso Dilal Ka Dhacay Magaalada B.weyne

0
359

Kooxa hubeysay ayaa manta xaafada howlwadaag ee magaalada B/weyne ku toogtay laba Askari oo katirsana ciidamada dowlada soomaaliya  halka laba kale oo shacab ah ay ku dhaawaceen sida ay Hiiraanweyn.net u shegen dad goobjogayaal ah.

Dilka labadan Askari iyo dhawaca labadan qof ee shacab ah ayaa ila iyo hadda la ogeyn Cida ka dambeysay mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan kan degmada Baladweyne iyo Saraakiisha Ciidanka dowlada oo ku aadan dilkan loo geystay   Askar ka Tirsan Ciidamada dowlada.

Ciidamada dowlada ayaa Howlgalo ka bilaabay Xaafadda Howlwadaag ee magaalada B.weyne  iyago ku raad jooga Cidii ka dambeysay dilka Labadan Askari iyo dhawaca labada qof ee shacab ah   ila iyo haddan wax Faah Faahin Ah kama bixin Howlgalka iyo Cida lagu soo qabtay,

Waxii warar ah kala soco wararkena dambe inshaa allaah.