Faah Faahin Kaso Baxeyso Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
392

Wararka ka imaanaya magaalada muqdisho ayaa sheegaya in Qarax uu ka dhacay wadada Maka Al-mukarama waxaana Qaraxa uu ahaa mid gaari lagu xiray kaasi oo mar qura jugtiisa laga maqlay meelo ka baxsan wadada Maka Al-mukarana ee Qaraxu ka dhacay.

Gaariga Qaraxa uu qabsaday ayaa lagu sheegay inuu ahaa nuuca Cript,kaasi oo watay hal Qof,waxaana dhaawac uu ka soo gaaray qeybta danbe ee jirkiisa.

Wali lama oga shaqsiga gaariga Qaraxa loogu xiray cida uu ka tirsan yahay,waxaana socda baaritaan ay wadaan ciidanka Dowlada oo goobta ka agdhawaa.

Waxaana gabi ahaanba goobta uu qaraxa ka dhacay isku gadaamay Ciidamo ka tirsan Nabad sugida iyo Booliska Soomaaliyeed oo dadka halkaasu ka agdhow ku amrayay iney meesha ka tagaan si baaritaan loogu sameeyay shaqsiga gaariga wata wuxuu ahaa iyo waliba Qaraxa gaarigiisa loogu xiray.

Sidoo kale warar Qaraxa aan ka heleyno ay sheegayaan iney baaritaan qeyb ka yihiin Saraakiil ajaaniib ah oo halka Qaraxa uu ka dhacay lagu arkayo,sida dad goob joogayaal ah inoo sheegeen.

Todobaadkii hore ayay markii Qarax loogu xiray gaarigeeda ay ku geeriyootay Hindiya Xaaji Max’ed oo ka mid ahayd Wariyaasha ka howlgalayay Warbaahinta Dowlada Sida Raadiyaha iyo Televisionka Qaranka.