Farmaajo oo rajo wanaagsan ka muujiyay doorashada 2016-ka inay ka duwanaato doorashooyinkii hore

0
532

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Max’ed C/laahi Farmaajo ayaa sheegay in loo baahan yahay in doorashada la filayo iney dalka ka dhacdo 2016-ka ka duwanaato doorashayooyinkii hore uga dhacay dalka.

 

Wuxuu sheegay Mr Farmaajo in Qeybaha kala duwan ee Bulshada looga fadhiyo iney aragtidooda ka dhiibtaan sida ay noqoneyso doorashada 2016-ka,islamarkaana la yimaadaan ra’yi ka duwan doorashooyinkii hore sida doorashadii 2012ka,kaasi oo Odayaasha dhaqan soo xulayeen Baarlamaanka Soomaaliya ka dibna Baarlanmaanka madaxweyne iyagu ay dooranayeen.

 

Shirar lagu uruurinayay aragtida dadweynaha ee doorashada 2016-ka ayaa bishii la soo dhaafay lagu qabtay magaalooyin badan oo ku yaalo dalka Soomaalida Sida Kismaayo,Garowe,Cadaado,Baydhabo iyo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya

 

Shacabka Puntland ayaa soo jeediyay in rabitaankood uu yahay doorasho deegaan,islamarkaan aanay muhiim ahayn in xilligan in dib loogu noqdo xeerka Soomaalida ay caadeysatay ee 4.5.

 

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in muhiim ay tahay in Shacabka Soomaaliyeed fursad loo siiyo xilligan iney iyagu ay soo doortaan shaqsiya ay doonayaan inuu hogaamiyo.

 

Siyaasi Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa Ra’iisal wasaare ka soo noqday Dowladii KMG ahayd ee Sheikh Shariif uu Hogaaminayay,waxaana lagu xusuustaa wax qabad muuqda oo Shacabka Soomaaliyeed ay mahdiyeen.