Gabdho Soomaaliyed Oo Maanta Lasoo Taagayo Maxkamad Ku Taala Dalka Kenya Kadib…

0
367

Maxkamad ku taala magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa la hor keenay 4 haween Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Xarakadda Al-Shabab.

Haweenkaan oo magacyadooda lagu kala sheegay Xaliimo Cali, Khadiija Cali Maryan Cabdi iyo tan afaraad oo magaceeda lagu soo koobay Ummul-Kheyr ayaa waxaa dacwad oogayaashu ku eedeeyeen inay xubno fir fircoon ka yihiin Xarakadda Al-Shabab oo ay diyaariyeen weeraro ka dhaca dalka Kenya.

Dacwad oogayaasha ayaa haweenkaan Soomaalida ah ku eedeeyay inay diyaariyeen shirar qarsoodi ah oo lagu maleegay weeraro ka dhaca magaalada Mombasa iyo magaalooyin kale oo gudaha Kenya ku yaala.

Daniel Wamotsa oo ka mid ah garyaqaanada dacwada ku oogaya haweenkaan Soomaalida ah ayaa sheegay mid ka mid ah haweenkaan kombuyuuter ay leedahay laga helay sawirada xubno sar sare oo aad loo doon doonayo oo Al-Shabab ka tirsan.

Haweenkaan ayaa dhamaan iska diiday eedaha maxkamada looga dhex jeediyay sida uu ku waramayo wargeyska The Star oo warkaan laga soo xigtay.