Golaha Wasiiradda Maamulka Galmudug Oo Gaalkacyo Kulan ku leh

0
448

Golaha Wasiiradda Maamulka Galmudug ayaa Kulan Deg Deg ah ku leh Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhankeeda Koofureed.

Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoomiyaha Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed,waxaana jooga inta badan Wasiiradda Muhiimka ah ee Maamulkaasi Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya.

Inkastoo Kulanka Wasiiradda Galmudug ay Warbaahintu banaanka ka joogto ayaa Wararku waxaa ay sheegayaan in looga hadlayo Dagaalkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo iyo sidii Dadkii ka Barakacay Magaalada dib loogu soo celin lahaa.

Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya Gen Maxamed Aadan Axmed  iyo Guddiga  Maamulada Puntland iyo Galmudug ay u Xilsaareen Dhameystirka Heshiiskii Gaalkacyo ayaa Kormeeray Goobihii lagu dagaalamay Ee Ciidamada Puntland iyo Galmudug ay ku dagaalameen.