Guddoomiyaha Gobolka Galguduud Oo Ka Hadlay Isku day lagu Qaarijin lahaa

0
392

Guddoomiyaha Gobolka Gal-gaduud, Xuseen Cali Weheliye [Cirfo] oo dhaawac fudud uu kasoo gaaray rasaas ay gaari uu watay ku fureen kooxo hubeysan, kaddib qaraxii ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ayaa sheegay inuu ka badbaaday isku-day dil oo lagu qaarijin lahaa.

Xuseen Cirfo ayaa intaas ku daray in gaari kale oo ay wateen kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen gaarigiisa, isagoo xusay inuu ka badbaaday weerarkaas, balse ay jiraan dad badan oo waxyeello kasoo gaartay qaraxii dhacay.

Sidoo kale, kama uusan hadal gudoomiye Cirfo dhaawaca fudud ee soo gaaray, wuxuuna ku baaqay in hay’adaha amniga dowladda Somalia iyo shacabka Soomaaliyeed ay iska kaashadaan sidii ammaanka caasimadda loo adkeyn lahaa.

Qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay shan qof iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 10-qof, kuwaasoo isugu jiray askar iyo shacab ka dhawaa goobta.

Weerarkan ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab, wuxuuna sidoo kale burbur aad u xooggan u geystay dhismayaal ganacsi oo goobta ka dhawaan; waxaana gaariga qarxay la dhigay waddada dhinaceeda, iyadoo aysan jirin cid loo qabtay.

Waddada Maka Al-Mukarama ayaa ah waddada ugu mashquulka badan Muqdisho, waxaana dhowr jeer oo hore ka dhacay qaraxyo iyo weerarro ay dad badan oo rayid ah wax ku noqdeen.