Guddoomiyaha Gobolka Galguduud oo lagu dhaawacay Muqdisho

0
396

Guddoomiyaha Gobolka Galguduud Xuseen Cali Weheliye Cirfo ayaa ku dhaawacmay Magaalada Muqdisho kadib markii Gaari uu la socday lagu horgooyay mid kale sidaana ku dhacday is rasaaseynta uu ku dhaawacmay Cirfo.

Ilo ku dhow Guddoomiyaha ayaa u xaqiijiyay warbaahinta  in dhaawaca guddoomiyaha uusan cusleyn lana dhigay mid ka mid ah Isbitaallada Muqdisho.

Waxaa xusid mudan in goobta lagu rasaaseeyay Cirfo daqiiqado kadib uu ka dhacay Qarax xoog badan,kaas oo aan wali la sheegin cidda uu lala beegsaday.