Guddoomiyaha Xamar weyne “Waxa Ijir Dilay Taliyaha Ciidamada Booliska

0
595

Guddoomiyaha degmada Xamar weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir ayaa sheegay in Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Jen, Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) uu jirdil u geystay, isla markaana ku xadgudbay xasaanidiisa.

Mr C/qaadir oo u waramayay qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa sheegay in isagoo ku sugnaa Saldhiga Booliska Xamar weyne uu Taliyaha Booliska uu la dhacay, bud, feer iyo haraanti, isla markaana uu korkiisa rasaas ka riday, mid ka mid ah ilaaladiisa uu dhaawacay.

Mar la weydiiyay sababta uu gacanta ugu qaaday ayuu sheegay in saakay Ciidamo uu watay Taliyaha Booliska ay dadkii degenaa Xaruntii Wakaaladda Filimada ee degmada Xamar weyne ay xoog uga saareen, isagoo xusay in markii uu u tagay Taliyaha uu weydiistay warqad fasax ah iyo in aan lagu soo wargelin maamulka degmada, isla markaana aanay jirin wax muddo ah oo la siiyay dadkii degenaa dhismaha, si ay uga guuraan haddii muddo la siiyay

Guddoomiyaha degmada Xamar weyne ayaa intaa ku daray inuu arrintan ku wargeliyay hey’adaha ammaanka dowladda, isla markaana uu ka sugayo jawaab, isla markaana sharciga iyo dowladnimada ay ku kala baxayaan sida uu yiri.

Qaar ka mid ah dadkii degenaa xaruntii Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in aan wax ogeysiis ah la siin, isla markaana ciidamo uu watay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir uu xoog uga saaray, ayna garaneyn meel ay caruurtooda iyo alaabtooda la aadaan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Taliyaha qeybta Booliska ee Gobolka Banaadir ee ku aadan jirdilka uu sheegay Guddoomiyaha Xamar weyne inuu u geystay.