Guddoomiyihii Magaalada Cadan Ee Dalka Yeman Oo la Dilay

0
505

Kooxda la baxday dowladda Islaamiga ayaa sheegtay inay qaadeen weerarka, kaasi oo sidoo kale lagu dilay dhawr qof oo ka mid ahaa ilaalada guddoomiyaha.

Guddoomiyaha Jacfar Maxamed Sacad ayaa ahaa xubin muhiim ah ciidanka dowladda Yemen taabacsan ee sanadkan horraantiisi ka saaray magaalada Cadan jabhadda mucaaradka ee Xuutiyiinta.

Madaxweynaha Yemen Cabdurabbu Mansuur Haadi ayaa ku dhawaaqay bishii Julay in magaalada Cadan ay si ku meel gaar ah u sii ahaato caasimadda.

Jabhadda Xuutiyiinta oo fadhigoodu yahay waqooyiga Yemen ayaa qabsaday qaybo badan oo dalka ah, oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Sanca.