Gudoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe, Oo Ka Hadlay Dhismaha Maamul Usameynta Hiran Iyo Sh,dhaxe Kuna Tilmamay Caasimada Maamulkaas ,,,

0
477

Iyadoo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh uu wareegto kusoo saaray shalay in degmada Jowhar ay marti-gelinayso shirka dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, isla mrakaana ay magaalada Buulo-burte noqonayso caasimadda maamulkaas ayaa waxaa soo dhaweeyay guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe, Cali Guudlaawe.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaan weli dhankooda ka hadlin sida ay wareegtada uu soo saaray madaxweynaha Somalia ee caasimadda looga dhigay Degmada Buulo-burte u arkaan.

“Waxaan soo dhaweynayaa go’aankii madaxweynaha Somalia uu ku gaaray inay Jowhar noqoto xartunta shirka dhismaha maamulka labada gobol lagu qabanayo, waa ku faraxsanahay, wuxuu ahaa go’aan geesinnimo leh, shacabka gobolkana aad ayay ugu riyaaqeen,” ayuu yiri Guud-laawe.

Sidoo kale, Cali Guudlaawe ayaa xusay in magaalada Jowhar iyo deegaannada kale ee gobolka ay ka jirto nabad la isku haleyn karo, isagoo uga mahad-celiyay shacabka ku dhaqan Jowhar iyo kuwa gobolka inay kala shaqeeyaan maamulka iyo hay’adaha ammaanka sugida ammaanka.

“Jowhar waxay ku caan tahay marti-soorka iyo soo dhaweynta wafuuda, waxay shacabka gobolka Shabeellaha dhexe si diirran u soo dhoweynayaan ergooyinka imaanaya magaalada,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe.

Dhanka kale, guddoomiyaha Shabeellada Dhexe ayaa tusaale u soo qaatay in magaalada Jowhar sannadkii 2005-tii ay marti-gelisay dowladdii KMG ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa C/llaahi Yuusuf, isla markaana ay noqotay xaruntii KMG ahayd ee dowladdaas.

Ugu dambeyn, go’aanka madaxweynaha dowladda Somalia ayaa noqonaya kii ugu horreysay oo uu qaato madaxweynaha Somalia, kaddib muranno dhowr jeer ka dhashay halka lagu qabanayo shirka dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe iyo halka caasimad u noqonaysa.