Guri Ay Qoys Soomaaliyeed Kaga Noolaayeen Dalka Holland Oo La Gubay Laguna Qoray Fariimo

0
291

Qoys Soomaaliyeed oo kunoolaa guri kuyaala Deegaanka Pannerden ee Dalka Holland ayaa dab la qabadsiiyay kadib markii ay gurigaasi weerar ku qaadeen kooxo cunsuriyiin ah oo kasoo horjeeda dadka qaxootiga ah.

Dadka Cunsuriyiinta ah ee gubay guriga ay dagnaayeen qoyska Soomaaliyeed ayaa katirsan Xisbiga Cunsuriyadda ee PVV, waxaana Guriga la gubay sidoo kale lagu dhajiyay Sawirka Hoggaamiyaha Xisbiga Cunsuriyadda ee PVV ninka lagu magacaabo Geert Wilder.

Sida kale Koo kale kooxaha Cunsuriyiinta ah ee gubay guriga Qoyska Soomaaliyeed kunoolaayeen ayaa ku qoray darbiga gurigaasi Fariimo xumbaarsan naceyb, waxaana fariimaha lagu qoray kamid ahaa ”qaxootiga waa in aad baxdaan, cadaanka ayaa fiican iyo ereyo kale.

Dadka ku dhaqan Deegaanka ay kunoolaayeen Qoyska Soomaaliyeed ayaa taageero u muujiyay qoyskaasi, waxa ayna dareensiiyeen sida ay uga xunyihiin falka cunsuriyada ah ee lagu gubay guriga qoyska Soomaaliyeed.

Duqda Degmadda Rijnwaarden oo laga xukumo Deegaanka Pannerden, Ella Schad , oo ka hadlay dhacdadan ayaa wax laga xumadao ku tilmaamay falkaasi cunsuriyada la xariira, waxa uuna ugu baaqay dadka deegaanka in ay isu taagaan in taagero loo muuujiyo qoyska la takooray.

Dadka Qaxootiga ah ee kunool qaar kamid ah Wadamada Yurub ayaa loo muujiyaa xiliyada qaar falal naceyb iyo cunsuriyad ay ku jirto, waxaana weeraro kala duwan lagu qaaday goobo ay dad Qaxooti ah oo Muslimiin u badan ku nool yihiin qaar kamid ah Wadamada Yurub iyo Mareykanka.