Hogaamiyaha Katirsan Mucaaradka Siiriya Oo Lagu Diley Duqeyn

0
406

Hogaamiye kooxda Jaysh al-Islam oo ka  ka mid ah  kooxaha mucaaradka dalka Siiriya iyo qaar kamid ah ku xigeenadiisa ayaa ku dhintey duqeyn loo geystey bariga magaalada Dimishiq.

Zahroun Alloush oo ahaa 44 sano jir ayaa la kulmayay qaar ka mid ah saraakiisha ururkiisa markii gantaalo lagu duqeeyay goobtii uu shirku ka socday sida ay sheegeen ciidamada Siiriya.

Kooxda uu hogaamiyo Alloush ayaa waxaa taageera Sacudi Carabiya waxana ay gacanta ku haysaa bariga magaalada Dimishiq.

Ururka Jaysh al-Islam ayaa ku biirey kooxaha mucaaradka oo ku kulmay magaalada Riyadh kuwaasoo ku gaaray heshiis ah in wadahadalo la galo dowlada.

Sida uu sheegay taleefishinka al-Arabiya madaxda Jaysh al-Islam ayaa kulan uu ugaga socday bariga magaalada Dimishiq waxana goobta uu kulanku ka socday lagu garaacay toban gantaal.

Madaxweynaha dalka Siiriya Assad ayaa u aqoonsan kooxda Jaysh al-Islam in ay tahay argagaxiso.

Hase yeeshee ururkan ayaa iska caabiyay ururka IS oo weeraro ku soo qaaday deegaanada ay ka taliyaan.

Duqeyntan lagu diley hogaamiyaha ururka Jeysh al-Islam ayaa la sheegayaa in ay ka dambeeyeen diyaaradaha dagaalka ee dalka Ruushka.