Hogaamiyihii Daacish Abuubakar Al.baqdaadi Oo U Baxsaday Dalka Liibiya Sii Uu uhelo…

0
445

Hogaamiyaha Ururka Daacish  Abuubakar Al-Baqdaadi ayaa la sheegay inuu u baxsaday dalka Libiya, kadib markii uu si dirqi ah kaga bad baaday duqeyn ka dhacday dalka Ciraaq.

Al-Baqdaadi ayaa la sheegay inuu u wareegay Waqooyiga Afrika, halkaasoo ay saldhig ku leeyihiin koox taabacsan ISIS.

Wakaalada Wararka ee Iiraan FARS ayaa sheegtay in Abuubakar Al-Baqdaadi uu saldhig ka dhigtay magaalada Sirte, halkaasoo uu ka soo jeedo hogaamiyihii hore ee Libiya Col. Muammar Gaddafi.

Sidoo kale wakaalada wararka ee Iiraan ayaa sheegtay in Baqdaadi caafimaad ahaan loogu qaaday Turkiga, kadib markii uu ku dhaawacmay duqeyn ka dhacday waqooyiga Gobolka Anbar ee dalka Ciraaq.

Ilo wareedyo ay soo xiganeyso Wakaaladda ayaa sheegay in Baqdaadi markii dhaawac culus soo gaaray loola cararay magaalada xarunta u ah ISIS ee Raqqa, halkaasoo dhaqaatiir ku sugnaayeen, hase ahaatee daawooyin iyo qalab caafimaad oo u baahnaa darteed ayaa loogu qaaday Turkiga.

Baqdaadi ayaa la sheegay in Turkiga ugu sii gudbay Libiya, iyadoo xulafada uu hogaaminayo Mareykanka ay aad u ugaarsanayaan.

Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa soo baxay warar is burinayay oo sheegayay in la dilay Al-Baqdaadi, hase ahaatee waxaa Hogaanka ISIS ku cel celiyeen in wararkaas ay ahaayeen kuwo aan xaqiiqo aheyn.