Ingiriiska oo tababaray 1,800 Askari Uganda ah oo Sanadka cusub imanaya Somaliya

0
296

Dowladda Ingiriiska ayaa tababartay 1,800 oo Askari oo u dhashay Dalka Uganda,kuwaas oo Sanadka Cusub ee 2016ka imanaya Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan Howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

28ka mid ah Qubaro u dhashay Dalka Ingiriiska dhinaca tababarkana qaabilsan ayaa la geeyay Xerada Tababarrada Ciidamada Dalka Uganda ee Singo, si ay u tababaraan Ciidan ka mid ah AMISOM.

Tababarayaasha Ingiriiska waxaa ku wehliyay tababarka Qubao dhinac Amniga ah oo u kala dhashay Waddamada Mareykanka, France iyo  Denmark.

Ciidanka ayaa la barayaa sida looga hortago Qaraxyada,iyo in dadka Mucaaridka ah ee ka soo horjeeda durba la ogaado goobaha ay ku tababartaan gaar ahaan Baaddiyaha ,lagana hortago.

Tommy Pigg oo ah 44Jir,hoggaaminayana Tababarka ay Dowladda Ingiriiska fulisay ayaa sheegay in howshan ay uga dan leeyihiin in ay ku caawiyaan Midowga Afrika howgalka ay ka wadaan Soomaaliya.

Xirfadaha Askartan labaray waxaa ka mid ah is difaacidda iyo ka hortagga Dabka kaca iyo in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku fidin karaan gargaar haddii looga yeero meel dhibaato amni darro ka jirto.

Tababarka yaaa socday Muddo Labo Todobaad ah oo 1,800 ooo Askari oo u dhalatay Dalka Uganda loogu tababaray howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

Dowladda Uganda ayaa Arbacadii nadhaaftay sheegtay in Ciidankeeda jooga Soomaaliya aysan 7 Bilood Mushaar qaadan,taas oo sameyn taban ku yeelatay Miisaaniyadda Dalka Uganda oo in ka badan 70 Milyan oo Doolar ay sanadkiiba ka soo Gasho Ciidankooda jooga Soomaaliya.

Warbixinta Mushaar li’ida Ciidanka Uganda ee AMISOM ka midka ah waxaa ay ku soo aadday iyada oo Baarlamaanka Uganda uu ka doodayay Miisaaniyadda Dalkaasi ee 2016/2017ka.