Ka Hor Abaal Marinta Ballon d’Or-ka Tababaraha Xulka Qaranka Brazil Ee Dunga Oo Cadeeyay In Uu Neymar U Coodeeyay Isaga Oo Waliba Sheegay In Ay Tahay Waqtigii Neymar, Muxuuse Ka Yidhi Messi Iyo Ronaldo?

0
759

Tababaraha xulka qaranka Brazil ee Dunga ayaa shaaca ka qaaday in uu abaal marinta FIFA Ballon d’or 2015 codkiisa siiyay kabtanka xulka qarankiisa ee Neymar. Lionel Messi, Cristiano Ronaldo iyo Neymar Jr ayaa iskugu soo hadhay liiska saddexda ciyaartoy ee kama danbaynta ah ee iskugu soo hadhay abaal marinta FIFA Ballon d’or 2015.

Dunga ayaa yidhi: ” Anigu waxaan u codeeyay Neymar. Waa waqtigii Neymar, laakiin Messi iyo Ronaldo iyaguba waa la heer” Dunga ayaa sidan ku sheegay waraysi uu siiyay Globo. Neymar ayaa xili ciyaareekan soo badhigay qaab ciyaareed cajiib ah taas oo ka caawisay in uu ku soo baxo liiska saddexda xidig ee ku tartami d’Orka.Dunga and Neymar

Dunga ayaa intaa raaciyay Ronaldo uu sanadkii hore fantastik ahaa balse aanu la bandhig ahayn Neymar wuxuuna yidhi: “Ronaldo sanadkii hore fantastik ayuu ahaa laakiin la bandhig muu ahayn Neymar, taas micnaheedu ma ah in aanu Ronaldo si fiican u ciyaarayn, balse waxa uuna la heer ahayn sanadkii hore”.
Messi and Ronaldo

Sidoo kale Dunga ayaa sheegay in Messi uu fiicanaa balse uu dhaawacmay wuxuuna yidhi: “Messi wuu fiicnaa balse wuu dhaawacmay. Neymar waqti xaadirkan wuu duulayaa, wuxuuna qaatay booska hogaaminta kooxda, waxaan filayaa in ay waqtigiisii tahay”.Messi, Ronaldo And Neymar

Neymar ayaa ah xidiga kaliya ee liiska saddexda ciyaartoy ku jira ee aan hore ugu soo guulaysan abaal marinta Ballon d’Or-ka, Lionel Messi ayaa ku soo guulaysatay afar sanado oo xidhiidh ah oo kala ahaa 2009, 2010, 2011, 2012 halka Ronaldo uu saddex jeer soo qaaday abaal marintan isaga oo ku soo guulaystay sanadihii 2008, 2013 iyo 2014. Halkan ka daawo muuqaalka bandhigii sanadkan ee Ronaldo, Neymar iyo Messi.

[youtube http://www.youtube.com/watch?v=eCKjh07KE4o]